”Mar kasta oo uu garaacista iga badiyo waxaan ku cataabi jirey ”war biyo isii!”

0

(Hadalsame) 21 Juun 2019 – Nelson Mandela wuxuu yidhi “Markii la iidoortay in aan noqdo madaxweynaha koonfur Afrika ayey ilaaladeyda gaarka ahi iga codasadeen in aan mar magaalada ula tamashleyn tago iyaga , waxan tagnay mid kamid ah maqaaxiyaha magaalada, waan fariisanay, mid waliba oo naga mid ahina dooqiisi ayuuu dalbaday.

Intii aan cuntada sugeynay ayey indhahaygu qabteen nin kaligiis miis aan naga fogeyn fadhiya mid ilaaladii kamid ah ayan u diray oo ku idhi u tag oo u sheeg in uu miiskan nagula cunteeyo, nasiib wanaag wuu ajiibay codsigeenii wuun nal cunteeyay.

Wuxuu ahaa nin xanuunka shalalku (faalig) xubihiisa qallajiyay , gacantiisu dhib ayey afka cuntada gaarsiineysay, aad ayuu ula liitay xanuunka. Mid ilaaladii kamid ah ayaa igu yidhi ninkani xanuun halis ah ayuu qabaa, .arkaa ayan u sheegay ninkani qofka uu yahay.

Ninkan aad arkeysaani wuxuu ahaa waardiyihii ku qornaa qolkeygii xabsiga. Marwaliba oo uu ka daalo garaacisteyda, waxan ku taahi jiray war biyo isii oo dhuunta ii qooy, markaasuu inta madaxa iiga kaadiyo ii raacin jiray waa inta aad mudantahay dugaagoow.

Hadda anigu kama aar gudanayo mana noqinayo sidiiisa oo kale, maxaa yeelay caqlliyadda aargoosiga dowlad ma dhisto, halka caqlliyadda cafisku ay ummad dhan dhisto, wuxuu kamid yahay dad aan masuulka ka ahay “.

Caaqilka caadifadi maqaado , naftiisa uma Aargoosto ee wuxuu kala darsaa waxa taagan xilligaa iyo waxa xigidoona.

(AUN) Xaaji Cabdi waraabe ayaa Soomaalida astaan ugu ahaa Sabarka iyo Samadoonimada.

W/D: Cabdiraxmaan Dhagaafe

Hadalsame Media