DAAWO: Maraykanka oo soo ridey dayuurad rayid oo ay Iiraan leedahay (290 qof oo ku dhintay)

0

(Hadalsame) 21 Juun 2019 – Shalay ayay ahayd markii ay Iiraan sheegatay inay dhulka soo dhigtay daroon basaas ahaa oo ay leeyihiin Ciidamada Maraykanka.

Dayuuraddan is wadda ayaa lagu soo ridey gantaal ay soo ganeen ciidamada ilaalada Jamhuuriga Iiraan saaka aroortii (1135 GMT), sida uu xaqiijiyey taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ee US Central Command (CENTCOM).

Maraykanka ayaa aad uga caroodey arrintaasi, isagoo ku gooddiyey inuu aargoosan doono, iyagoo dafiray sheegashada Iiraan ee ahayd inay dayuuradduu soo gashay hawada Iiraan.

3-dii bishii Luulyo sanadkii 1988 Ciidanka Badda ee Maraykanku waxa ay gantaal ku dhufteen diyaarad rakaab ahayd oo Iiraan lahayd oo xilligaa dul haadaysey Marinka Hormuz.

AAN YARA DIB U NOQONNO!

Dayuuraddan oo ahayd Iran Air, duullimaadkeedii nasiibka darnaa ee 655 ayaa xilligaa kasoo kacday Tehraan gaar ahaan gegada Bandar-e ʿAbbās, iyadoo u xirxirnayd dhanka Dubai ayaa la la helay gantaal noociisu ahaa midka dhul-ka-cirka ah ee SM-2MR oo laga riday USS Vincenness.

Waxaa markabka dagaal ee USS Vincennes, hoggaaminayey seddex xiddigle madax adag oo la oran jirey Capt. William C. Rogers III, kaasoo mararka qaar aan ku socon jirey hab-raaca Bentagon, balse iska cayrsan jirey maraakiibta ku gooshaysa Marinka Hormuus.

Waxaa ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa oo tiradoodu ahayd 290 qofood ay 66 ka mid ahi carruur ahaayeen. Maraykanku marna kama garaabin gardarradaasi, balse hadda wuxuu ka xanaaqsan yahay dayuurad aan shimbiri saarnayn oo weliba gashay hawada Iiraan.

Hadalsame Media