Dowladda Federaalka Somalia oo soo saartay DIGNIIN duur-xul ah!

0

(Muqdisho) 20 Juun 2019 – DF Somalia ayaa sheegtay inay u istaagayso gudashada wax ay ku sheegtay ”waajibka dastuuriga ah ee ka saaran qaranka”, sida ilaalinta arrimaha masiiriga ah ee Jamhuuriyadda Somalia.

”Beryahan dambe waxaa soo ifbaxaya mas’uuliyiin haya xilal ama kuwa hayn jirey, ha ahaadaan heer federaal ama heer gobol, iyo shakhsiyaad kale oo Soomaali ah, kuwaasoo ka shaqaynaya ficillo dhaawacaya qaddiyadaha lama taabtaanka ah ee qaranka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay DF Somalia.

Warka ayaa intaa raacinaya inay DF Somalia la xisaabtami doonto cid kasta oo ay ku cadaato ”garab siinta cadowga” u hanqal taagaya xuduudaha dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Somalia.

Waxaa kaloo lagu sheegay in ay DF Somalia u taagan tahay ilaalinta midnimada, maslaxada iyo dhaxalka jiilka soo socda, isla markaana aan cidna laga ogolaanaynin inay arrintaa dhaawac u gaystaan.

DF Somalia ayaan cid gaar ah carrabaabin, balse markii sadarrada dhexdooda la akhriyo waxaa loo qaadan karaa mid ku wajahan siyaasiyiin siyaabo kala duwan taageero ugu muujiyay Kenya oo damaacinaysa dhul-badeedka Somalia.

Hadalsame Media