Xisbiga ka taliya gobolka Soomaalida oo ASTAAN cusub yeeshay

0

(Jigjiga) 20 Juun 2019 – Xisbiga Dimoqraadiga Soomaalida ayaa lasoo shir tegey astaan cusub oo uu yeelan doono xisbigaasi, sidaasoo lagu ansixiyey kulan rasmi ah oo ay shalay yeesheen Golaha Dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida.

Xisbiga Dinuqraadiga Soomaalida ayaa ah midka siyaasadka ahaan maamula dowladda deegaanka Soomaalida ee maamul ahaanta hoostaga dalka Itoobiya, kaasoo isbedello kala duwan lagu samaynayay tan iyo markii uu gobolkaa xukunkiisa la wareegay MW Mustafe Cagjar.

Waxaa wax badan laga bedeley qaabkii uu u shaqaynayey xisbiga iyo maamulkiisa, waxaa sidoo kale horay loo bedeley calanka maamulkaasi oo lagu soo celiyey xiddigtii cadayd ee calanka Somalia oo laga saaray 2008-dii.

Hadalsame Media