Kenya oo keentay marmarsiinyihii ugu dambeeyay (Qiil cusub oo ay ula tagtay QM)

0

(New York) 19 Juun 2019 – Kenya ayaa raadinaysa inay Golaha Amaanka ee QM soo geliso doodda ay ku sheeganayso dhul-badeedka Somalia, oo ay marba geed la fuulayso, sida lagu qoray standardmedia.

Xoghayaha Guud ee QM ee António Guterres ayaa si rasmi ah u sheegay in arrintani ay hor tegtay xubnaha 15-ka ah ee Golaha Amaanka, isagoo intaa raacshey in doodda labada dal ay halis ku tahay xasilloonida gobolka, sida uu qabo.

“Laba todobaad kahor, arrintan (muran badeedka Kenya), wuxuu Xoghayaha Guud ee QM u ishaaray Golaha Amaanka inay halis ku noqon karto amaanka gobolka,” ayay tiri Wasiir Dibadeedka Kenya ee Monica Juma.

Kenya ayaa ku dooddaysa in haddii ay ICJ Somalia u xukmiso, ay taasi keeni doonto arrin silsilad ah oo saamaysa qaaradda Afrika, iyadoo uu dalba qabsan doono midka koonfur ka xiga.

Nairobi ayaa sheegtay in Kenya ay qabsan doono Tanzania, Tanzania ay ku dhegi doonto Mozambique halka Mozambique ay dood u raacan doonto South Africa haddii xeerka jiitinta joogga ah la raaco.

Kenya ayaa beri dhowayd warqado u qaybinaysey hay’aadka caalamiga ah, iyadoo dooddan gaartey QM ay ka mid tahay dadaallada ay waddo Kenya oo doonaysa inay xeer jajab ku qaadato dhul Soomaaliyeed.

Hadalsame Media