”Waa la KHAARAJIYEY?!” – Geerida Mursi oo lugaha la gashay Imaaraadka Carabta (Xog Sirdoon)

0

(Qaahira) 20 Juun 2019 – Tahnoon Bin Zayed Al Nahyan, walaalka dhaxal sugaha Amiirnimada Imaaraadka Carabta iyo la taliyihiisa amaanka ayaa la sheegay inay lug ku leeyihiin geerida deg degta ahayd ee ku timid Madaxwaynihii la doortay misna la diley ee Mohammed Morsi, sida uu sheegay madaxii hore ee Sirdoonka Faransiiska.

Bernard Bajolet, oo Maareeyihii hore ee hay’adda DGSE, ayaa sheegay in booqashada aan la shaacin lana fahmin ee uu Tahnoon bin Zayed Qaahira ku tegey 16-kii bishan Juun lala xiriirin karo geerida deg degta ahayd ee Mursi.

Mursi ayaa la sheegay inuu wadne xanuun u dhintay Isniintii xilli uu Maxkamadda ku sugnaa, sida uu weriyey TV ku hadla afka dowladda Masar wuxuu Mursi la tacaalayay  “buro ku taalley isagoo dawo qaadanayey una dhintay wadne istaag.” Waxaa si halhaleel ah loogu aasay Nasr City, oo ah bariga Qaahira, aroortii Talaadadii.

MW Recep Tayyip Erdoğan iyo xubno ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa isku raacay in Mursi “kas loo diley”, isla markaana aan looga hari doonin dadka qorsheeyay ama fuliyey jarriimadaas.

“Waxaannu ku boorrinaynaa ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC inay tillaabo qaadaan oo ay sameeyaan wixii daruuri ah. Waxaan aad ugu dalaali doonnaa in Masar lasoo taago maxkamad caalami ah,” ayuu raaciyay Erdoğan oo sidoo kale sheegay inuu arrintan kusoo qaadi doono shir madaxeedka G20 ee Japan ka dhacaya 28-29 bishan Juun.

Hadalsame Media