”Puntland waa inay warkeeda kala CADDAYSAA!”

0

(Hadalsame) 19 Juun 2019 – Waxaa habboon cidda Dalk ku galka looga baahan yahay in uu caddeeyo ma Soomaalibaa mise waa ajaanib, haddii uu ula jeedo ajaanib waa sax sanyahay, haddii uu soomaali ula jeedo waa khaldan yahay, waxaana hubaa uu hadalkiisi wax ka hirgalaya uusan jirin lakiin ha kala caddeeyo cidda dal ku galka looga baahanyahay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada amniga fasax ay u qabaan inay qabtaan ruuxii si sharcidaro ah ku soo gala deeganada Puntland.

Waxa uu sheegay qof kasta oo soo galaya deeganada Maamulkaasi in laga doonaayo Viiso sharci ah inuu ku soo galo.

“Dalkan Puntland waxaa lagu soo geli karaa waa fiiso,cid kasta oo tahriib iyo sharci –darro ku soo gasha dalka Puntland waa la qabanayaa maxkamad baana la horkeenayaa” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Amniga Puntland.

Waxaa Diyaariyay: Saciid Muuse Shire

Hadalsame Media