DHEGEYSO: Sweden oo ka qayla dhaaminaysa arrin ay aad uga wanaagsan dalal Somalia ku jirto

0

(Stockholm) 19 Juun 2019 – Tirada bacaha haraaga ah ee dalka Sweden ayaa la sheegayaa inuu sameeyay koror badan oo dhan 40 boqolkiiba shantii sanadood ee ugu dambeeyay oo qura, sida ku cad qiimayn ay sameeysay Wakaaladda Ilaalinta Degaanka Sweden ee Naturvårdsverket. 

Petra Selander, oo mas’uul ka ah qayb ku shaqa leh walxaha bacaha ka samaysan ama balaastiigga ayaa muujisay sida ay ula yaabban tahay kororkan saa’idka ah.

”Kamaba fikiraynin koror intan la’eg, ha yeeshee, waxaan hadda nolol maalmeedkeenna u isticmaalnaa balaastiig intii hore ka badan,’’ ayay tiri Selander.

Celcelis ahaan, qof kasta oo Swedish ihi wuxuu sanadkii sameeyaa 130 kg oo haraa bacood ah. Tusaale ahaan intii u dhaxaysey 2012 iyo 2017 waxaa haraaga bacuhu ay kordheen 40%, kuwaasoo iminka guud ahaan maraya 1.3 milyan oo tan, sida ku cad warbixinta Naturvårdsverket. 

Caadiyan waxaa la fahamsan yahay in haraaga bacuhu uu ka yimaado dhanka wershadaha iyo beeraha, yeelkeede, qaybta ugu badani waxay ka timaaddaa waxa loo yaqaanno haraaga isku dhafka ah, sida kan guryaha la deggan yahay. Petra Selander ayaa eegaysa sababta keentay kororka.

”Waxaan sidoo kale u jeednaa in cadadka haraagu uu kordhayo sababtoo ah waxaan isticmaalnaa waxyaabo intii hore ka badan oo baco ka samaysan, ayay tiri Petra Selander.

Adeegsiga agabyada bacaha ka samaysan ayaa kordhayay maxalli ahaan Sweden iyo caalami ahaanba, ha yeeshee, waxaa dib loo wershadeeyaa wax ka yar kala bar haraaga bacaha lagu isticmaalo Sweden, waxaana ugu wacan dadka oo aan si wanaagsan u kala soocin qashinka ay ku tuurayaan doonida qashinka iyo bacaha oo ay ku jiraan noocyo badan oo ay adag tahay in dib loo wershadeeyo.

Waxaa wanaagsan in dadka bacaha soo saara ee dadka ka iibiyaa ay soo baakadeeyaan baco hadhoow dib loo wershadayn karo, sida ay qabto isla Petra Selander.

”Arrintani waa hanti khasaarin. Khariidadaynteennu waxay muujinaysaa in aan u baahan nahay inaan ku wanaagsanaanno qaabaynta walxaha aannu soo saarno si dib loogu isticmaali karo looguna wershadayn karo.’’ Ayay tiri.

Haddii ay Sweden oo ka mid ah dalalka dunida ugu horreeya dhanka dib u wershadaynta qashinku ay bacaha qadyaan ka joogto, ka warran Somalia oo aan wax qorshe ahba dhankaa ka lahayn?

Hadalsame Media