DHEGEYSO: Maxaad ku xulan lahayd LAMAANAHA guurkaaga? (Dood talantaalli ah)

0

(Hadalsame) 19 Juun 2019 – Guurku waa tiir asaasi u ah jiritaanka iyo waaritaanka insaanka, waa se go’aan ka ratibma laba qofood oo qaan gaar ah oo ku heshiiya inay wada noolaadaan.

Ha yeeshee, waxaa la isku khilaafsan yahay jidadka iyo shuruudaha loo marayo yagleelidda guri cusub, waxaana had iyo goor la is waydiiyaa su’aalo ku saabsan shuruudaha la isku xusho.

Maal, mansab, muuqaal, magac, aqoon, dabeecad iwm ayaa ka mid ah waxyaabaha aalaaba soo sara mara, kuwaasoo uu qofba mid aad u qiimeeyo.

Haddaba, hoos ka dhegeyso dood ku saabsan su’aasha ”Sidee ku xulan lahayd lamaanaha guurkaaga?” Waxaana wadaagaya Maxamed Xaaji tifaftiraha Hadalsame.com & Idil Axmed Maxamed, waxaana doodda qaybinaya Colaad Istiilla oo tirsan VOA.

Hadalsame Media