XOG: MW Farmaajo oo la sheegay inuu SALUUGEY wax soo saarka warbaahinta dowladda!

0

(Muqdisho) 19 Juun 2019 – MW Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gar geliyay Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu Madaxwaynuhu si gaar ah arrintaa u waydiiyay Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, sida lagu qoray Caasimadda Online.

Waxaa jira guud ahaan faham ku dhisan darraabid iyo saluugid ku aaddan waxqabadka Wasaaradda Warfaafinta DF Somalia oo ay hoos tagaan idaacadaha Radio Muqdisho, Teleshinka Qaranka iyo Wakaaladda Wararka Qaranka ee SONNA, kuwaasoo wax soo saar ahaan aan gaarsiisnayn heerkii loo baahnaa, balse miisaaniyad badan lagu bixiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Wasiirka Warfaafinta ku yiri hadal uu hore u u yiri Ing. Yariisow markii uu ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya kaas oo ahaa “Sanadkii hal milyan ka badan ayaa iga-gasha wasaaradda tayana kuma dhama warbaahinta madaxa bannaan sababta haley sheego”.

Sida ku qoran Caasimadda, waxaa xitaa dhacday inuu Madaxwaynuhu si gaar ah u xusay qaar ka mid ah warbaahinta laga dhegeysto ama laga daawado dalka qaarkood:

“Radio Kulmiye, Goobjoog iyo Universal TV tayo kuma dhama Radio Muqdisho iyo SNTV lacagta aan bixiyana ma laga bixiyo kuwaas wasiir maxaa qaldan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sidoo kale dhaliilay wakaaladda wararka SONNA.

“Caasimada Online iyo Website-ka Jowhar akhris kuma dhama SONNA oo ah Wakaaladii Qaranka, waxaas looma dulqaadan karo” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda ayaa caadiyan looga fadhiyaa inay sameeyso barnaamijyo iyo warar wax ku ool ah oo iskugu jira wargelin, waxbarid iyo waanin ama wacyigelin ku wajahan umadda Soomaaliyeed.

Hadalsame Media