Siyaasiyiinta ilaa haatan cambaareeyay falkii foosha xumaa ee xalay ka dhacay Gaalkacyo

0

(Hadalsame) 15 Juun 2019 – Siyaasiyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Madaxwaynihii hore Xasan Sh Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaanka Xisbiga Wadajir, Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamanka dhexe iyo Cabdikariin Guuleed oo ah madaxwaynihii hore ee Galmudug ayaa si kulul u cambaareeyay arrintii fadeexadda ahayd ee xalay ka dhacday magaalada Gaalkacyo oo xalay lagu xasuuqay dad masaakiin ah oo halkaa ku noolaa kana xoogsanayay, iyagoo codsaday in xeerka la hor taago dadkii ka dambeeyay falkaa wuxuushnimada ah oo markii 2-aad todobaad gudihii halkaa ka dhacaya.

Xasan Sheekh Maxamuud: “Gaalkacyo hal habeen sabab kasta oo loo tiiriyo e, waana cambaareynayaa falkaas foosha
xun iyo dadkii ka dambeeyayba.

”Waxaan u tacsiyeynayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaas. Waxaan ku adkeynayaa maamulka Galmudug iyo
waxgaradka reer Galmudug guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Galkacyo iney ka wada shaqeeyaan sidii gacan ku
dhiiglayaaaha loo hor keeni lahaa sharciga si cadaaladu u shaqeyso.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame: ”Waxaan si xoog leh u canbaaraynayaa falka foosha xun ee argagexa leh ee xalay Gaalkacyo ka dhacay. Galmudug iyo deegaanka Gaalkacyo waa ku ceeb in dad rayad ah oo aan danbi lahayn, cid ay wax ka galabsadeenna jirin, noloshooda caadiga ahna si degan oo dabiici ah u watay, malo weliba haybsooc ah lagu laayo.

Dadkaasu waxay isku haleeyeen masuuliyida maamulka iyo dadnimada shacabka deegaanka, jawaabta ay maamulka iyo shacabku ka bixiyaan falkaas argagaxa iyo arxan darida leh ayaa laga arki doonaa in ay isku halayntoodu sax ahayd iyo in kale. Shacab iyo maamulba waa in falcelin isku mid ah laga sameeyo, meelna looga soo wada jeestaa, degdegna cadaalada loo horkeenaa kuwii falkaa arxan darida ah ku kacay. Allaha u naxariisto dadkii rayadka ahaa ee xaq darida lagu laayeey iyo sarkaalkii hay’ada Nabadsugida ka tirsanaa ee la dilay. Sabar iyo iimaana Allaha ka siiyo eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen.

Mahad Salaad:Waxaan halkaan tacsi uga dirayaa eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuum Cali Dhiif oo ahaa sarkaal katirsan ciidanka Nabad Sugida Galmudug oo kooxo hubaysani caawa ku dileen magaalada Gaalkacyo. Naxariistii Jano Alle haka waraabiyo. Eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo. Aamiin.

Waxaa sidoo kale canbaareynayaa falka foosha xun ee lagu xasuuqay dad shacab ah oo aan waxaba galabsan ee hayb ahaan lala xariiriyay dilka sarkaalka. Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen. Naxariistii Jano Alle haka waraabiyo. Samir iyo iimaan Alle haka siiyo. Aamiin.

Sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Galmudug in ay arintaas tilaabo deg deg ah ka qaadaan. Sharciga la horkeeno dadkii xasuuqaas geystay iyo kuwiii dilay sarkaalkaba. Lana mariyo ciqaabta ay mudanyihiin.

Hon. Mahad Salad

Cabdikariim Xuseen Guuleed: “Alaha u naxariisto marxuum Cali Dhiif oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Nabad
Sugidda oo caawa gacan ka xaq darani ay ku dishay magaalada Gaalkacyo, sabar iyo imaan rabi ha ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay.

Sikastaba ha ahaatee, waa falkii labaad oo muddo todobaad gudihiisa degaanada Galmudug lagula kaco dad kasoo jeed Koonfurta Soomaaliya iyadda oo afar rayid ah sidan oo kale lagu khaarijiyey duleedka Dhuusamareeb.

Hadalsame Media