Jooji adeegsiga kelmadda ah ”waxaan u tacsinaynayaa dadka KG!!” (Ogoow sababta ay khalad u tahay)

0

(Hadalsame) 15 Juun 2019 – Arrintii xalay ka dhacday Gaalkacyo ee 9-ka qof ee masaakiinta ah lagu laayay iyo middii kasii horreeysey oo aan weli wax laga qabanin, waa qool bir ah oo qoorta ugu jirta maamulka Galmudug oo haatan wajahaya imtixaankii ugu waynaa ee soo mara tan iyo jiritaankiisii.

Ha yeeshee, dhibka federaalka QALLOOCA loo fahmey uu keenay waxaa ka mid ah waxaad maqlaysaa “waxaan u tacsinaynayaa dadka reer KG” oo sidee? Ma dhowr qof oo Soomaaliyeed ayaa la diley mise maamul-goboleed? Markaad dhankaa tacsi u dirto waxaad misna dilka ku wada eedaynaysaa Galmudug oo dhan, waayo waxaad abuurtay labaleey lamaanan oo ”annaga iyo ayaga ah” (dichotomy), taasoo dhalinaysa xasaasiyad aan umadda dani ugu jirin.

Adeer dadkaasi ma aha wefdi ka socdey maamulka KG, mana aha jaalliyad halkaa u joogtey KG, balse waa dad Soomaaliyeed oo joogey meel ka tirsan Jamhuuriyadda Somalia oo aysan cidna marti uga ahayn.

Sidaa daraadeed, haddii dembi laga galo waxay la mid yihiin qofka kale ee halkaa jooga, balse waxaa muhim ah in ay maamulladu sidaa u fahmaan oo ay amaankooda xil wayn iska saaraan, ha yeeshee aan laga dhigin sidii dalal dalka ku dhex yaalla (nations within nation), dadkuna waa inaysan sidaa umadda sii kala fogaynaysa wax u sawirin.

Maamul-goboleedku waa hay’ad maamul oo fududeeysa howlaha maxalliga ah sida adeegyada ay u baahan yihiin gobollada iyo degmooyinka ee ma aha dalal loo dhasho. Qofka ka yimaada gobol X wuxuu xaq la mid ah midkii uu ku haystey gobolkiisa ku leeyahay gobol Y.

Mas’uuliyad gaar ah oo gobolkii uu ka yimid ku xiriirinaysa ka saaranina ma jirto haddii uu gobol kale joogo, balse waxay mas’uuliyadda amnigiisa iyo fayaqabkiisu saaran tahay gobolka uu markaa joogo.

Haddii ay wax qabsadaanna waa qof Soomaaliyeed oo cadaalad u baahan, ee ma aha danjire gobol X halkaa u fadhiyay oo naga mudan inaan arrintiisa markiiba siyaasad iyo beelo is haya u rogno, waa se nasiib xumada iyo garaad xumida siyaasadda Soomaaliya ka jirta.

Sidaa darteed, halla joojiyo u sawiridda umadda jaalliyado FIISE ku jooga gobollada dalka, kiiskani ma khuseeyo qabaa’il ama maamullo is haya, balse waa kiis madani ah oo u dhexeeya MOORYAAN dad qal ah oo cidda halkaa mas’uulka ka ah qabasho uga baahan, balse sida taa loogu guntado oo daacad looga noqdo ayaa iyaduna aad muhim u noqon doonta.

Ugu dambayn, waxaan rajaynayaa in hoggaanka Somalia uu umadda loo keeno wax dhaama federaalka noocan ah, waayo hadda eeg, haddii aanu maamul sugi karin amaanka dadka ku nool, (xusuuso dadka ku nool waa Soomaali, ee federaalka micnihiisu maaha ”reer hebel oo amaankooda sugaya”), isla markaana ciddii wax gaaraan markiiba maamul kale loogu abtirinayo maxaa ka dhalanaya?

Waa su’aal u taalla inta mas’uuliyad sheeganaysa ee gudan la, ama kaba sii darane GARAN LA!

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media