Booqashadaii Eeddo Calasey Ciirre & Adeer Calasow Cibaar ee abooto Cillaamo Cigalle

0

(Hadalsame) 15 Juun 2019 – Eeddo Calasey Ciirre iyo Adeer Calasow Cibaar waa is qabeen.

9 caruur ah oo u noolaatay iyo 5 ka naqatay ayay isu dhaleen!
Waxa ay deganaayeen meel la yiraahdo Galka Ma-Gure.
Waxa ay go’aansadeen in ay booqdaan Abooto Cillaamo oo Eeda Calasey hooyadeed ah!

Waxa ay diyaarsadeen deeq ka kooban 2 kolay oo waaweyn, waa kuwa “qol” loo yaqaane, oo diir cadeysan ah, 2 kale oo mesega la haldhamiyay ah, 4 horaad oo suusac geel ah iyo laba wan oo jabsatay! Rati hayin ah, oo “daysane” la yiraahdo ayay ku rareen! Dayax 14 ah ayay ku guureeyeen.

Abooto Cillaamo waxa ay deggantahay meel la yiraahdo Galki Gurane. Maalinki dambe waxa ay ku hergeleen Hareerigi Habar Cawralo, oo wax yar ay ku indha guduudsadeen!

Galab gaabki ayay ka carraabeen, habeenkiina waxa ay ku furteen Garaski Guud Weyne, wax yar ayay indhaha is gelsheen, waahiirkii ayay ka guureeyeen markii bakaalkii bari uu soo baxay.

Maalinkii dambe waxa ay harsadeen Dhisaqii Oday Cira Weyne. Markii ay wax yar ku indh guduudsadeen, ayay ka hinqadeen.

Habeenkii 3-aad markii bakaalka Waxara-Xirku uu dhacay ayay Burki Food-Cade jiifteen! Lixuhu markii ay raaracsadeen ayay hadana ka dheelmadeen.

Barqadii dambe ayay Galki Gurane gaareen. Abooto Cilaamo oo gabadheeda iyo wiilkeeda 5 daaw aan dhawaqooda maqal, muuqooda meel dhige, ayaa alalaas dheer ka soo go’ay, waana leesu soo baxay, halkaas ayaa lagu deeq cunay, laguna xoola qashay!

Socdaalka inta ay ku jireen, biyaha “moqor” ayay ka cabaayeen, qaloon diiro oo caana lagu dharbiyay ayayna cunaayeen!
Roob xoog leh ayaa daawgaas da’ay, barwaaqana waa dhacday, waxaana loo bixiyay Gugii Gugac Weyne!

Dhalinyarooy, inta aan baabuur iyo Taleefan la helin saas ayaa leesu booqa jiray! Soo dhowaadehee!

Qoraalkaan Af-Qalaad ma ku jiraa?

Waxaa Qoray: Xasan Xundubeey Jimcaale

Hadalsame Media