Gabar kale oo Soomaaliyeed oo ka mid noqotay Baarlamanka dal Yurub ah

0

(Oslo) 15 Juun 2019 – Gabar kale oo Soomaaliyeed ayaa ka soo muuqatay rakada Baarlaman kale oo ka mid ah dalalka Scandinavia.

Gabadhhan oo lagu magacaabo Maryan Cabdi Xuseen ayaa noqotay gabadhii ugu horreeysay taariikhda Soomaalida dalka Norway ka mid noqata Baarlamaanka dalkaasi.

Gabadhan oo 32 jir ah ayaa sidoo kale noqatay qofkii ugu horeeyay ee xijaab xiran oo hela Kursiga Barlamaanka Norway, taasoo ay ku farxeen Soomaalida iyo guud ahaan Muslimiinta dalka Norway ku nool.

Sanadihii ugu dambeeyay ayaa waxa soo badanayay Soomaalida ku nool qurbaha ee xilal kala duwan ka qabanaya dalalka ay joogaan, taasi oo Soomaalida ku dhiiri gelisay inay isu soo sharxaan xilal sare dalalka ay ku noolyihiin.

Hadalsame Media