Wuxuu u keenay mashruuc horumarineed iyaguna waxay ku mashquuleen meesha uu kasoo jeedo!

0

(Hadalsame) 15 Juun 2019 – Dibedda ayuu mashruuc kala yimi. Tuuladii uu ku dhashay ayuu odayaal shir ugu qabtay. Dhawr saacadood wuxuu ka hadlayey sidii degaanka maamul wanaag looga hirgelin lahaa.

Intuu hadlayey, odayaashu waxay isha la raacayeen qaybaha wejigiisa; sankiisa, dhegihiisa iyo indhiisa.

Markuu dhammeeyey, isaga waxaa u soo baxay inuu farriintii uu sidey u gudbiyey odayaashii oo mashruucii meel mariyey.

Odayaashana waxaa u soo baxay inay wiilkaas firsooceen oo ogaadeen inuu indhaha reer abtigii ka raacay dheganaha reer adeerkiis.

Odayaashu wixii uu ka hadlayey waxba kama garanayn oo shaqadooda maahayn, marka waqtigoodii waxay uga faa’iidaysteen wax shaqadooda ah oo ay yaqaannaan.

Ninba dhan u badi.

Waxaa Qoray: Ustaad Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media