DEG DEG: Askar Kenyan ah oo lagu laayay qarax ka dhacay bariga Wajeer (Daawo)

0

(Wajeer) 15 Juun 2019 – Ugu yaraan 7 askari oo ka tirsan Booliiska Kenya ayaa lagu diley miino gacan ku samays ah, halka ay laba kale dhaawacmeen.

Askarta ayaa la sheegay inay u gurmanayeen askari kale oo ay kooxda Al Shabaab horay u dishey habeennimadii Jimcihii shalay.

Weerarkan ayaa ka dhacay bariga Wajeer iyadoo ay askartani saarayd gaari Land Cruiser ah, iyadoo ay wararka goobta ka imanaya ay geerida gaarsiinayaan ilaa 10 qofood guud ahaan, sida uu sheegay askari qaraxaasi ka badbaadey.

Hadalsame Media