Hal arrin oo ay tahay inay Galmudug ka barato Puntland

0

(Hadalsame) 15 Juun 2019 – Reer Puntland mar bay ku kaceen dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed ka dib markii ay si foojignaan taxadar leh dadkaas ula dhaqmeen iyagoo dadka ay soo masaafurinayeen ay caalamad rinji oo gaduudan madaxa u mariyeen si looga aqoonsado dadka kale waxayna in badan dadkaas lagu soo dhaweeyey Koonfurta Gaalkacyo

Inkastoo falkaas uu ahaa mid faquuq ah hadana inta badan dadka reer Puntland ayaa ka dhiidhiyey in qof banidaam ah oo walaalkaa ah sidii xoolihii loo calaamadeeyo.

Hase yeeshee, reer Galmudug ayaa arrintii oo dhan isku fuuqsadey maanta arrinta Gaalkacyo ka dhacdey. Waa taariikh ma Hadho ah waayo dadkii aad shaley soo dhaweyseen maanta in aad xasuuqdaan waa wax aan la aqbali kari

Dhacdadaan waxay saameyneysaa dadka ka soo jeedda Galmudug ee waa in aad ka dhiidhisaan oo aad soo qabataan dadkii dhibaatada geystey.

Hase yeeshee sow ma dhihi karno reer Puntland waa ka naxariis badan yihiin reer Galmudug marka loo fiiriyo labada dariiq ee ay u kala mareen labada maamul dhinaca waxaa u bogaadinayaa reer Puntland ka dib markii ay xil u magacaabeen dad ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Waxaa Qoray: Amiin Yuusuf Khasaaro

FG: Qoraalkani wuxuu lkhuseeyaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media