DAAWO: Weli ma aragtay koox lagu cambaareeyay GUUL wayn oo ay gaartey?!

0

(New York) 15 Juun 2019 – Xulka hablaha kubadda cagta Maraykanka ayaa Arbacadii dhulka la simay dhiggooda Thailand oo ay uga badiyeen 13-0, waa dabcan guul wayn oo noqotay tii abid ugu waynayd Koobka hablaha. Ciyaar ka tirsan Koobka Adduunka haweenka ee ka socda Faransiiska.

Yeelkeede, guushaas ayay saxaafadda Maraykanku gunuunuc ka keentay, iyadoo gabdhaha Maraykanka lagu eedeeyay inay woxoogaa xushmad darro ah muujiyeen, marka ay timaaddo qaabka ay u dabaal degayeen, iyagoo mararka qaar si ka badbadis ah u bood boodadey, taasoo lagu tilmaamay dhaqan aan ciyaaraha iyo ixtiraamka kooxda lidka ah ku fiicnayn (poor sportsmanship).

Falanqaymaha qaar waxaaba loogu bixiyay magacyo cusub, sida in loo arki doono ”laadariin iyo xoog sheegtayaal!”

Ha yeeshee, Desi Lydic oo ah gabar ka tirsan weriyeyaasha soo saara barnaamijka maadda ah ee Daily Show ayaa doodda dhan kale ka keentay.

Waxay ku doodday in aysan gabdhuhu bahdil iyo ku digasho ula bareerin xulka Thailand, balse ay is muujinayeen maadaama ay ka mushahar yar yihiin xulka ragga.

Tusaale ahaan, xulka raggu waxay 20 kulan oo saaxiibtinnimo sanadkii celcelis ahaan ciyaartiiba ku qaataan 13,166 doollar oo ragga ah, halka ay gabdhuhu qaataan 4,950 doollar kulankiiba, taasoo ah farqi aad u wayn.

Yeelkeede, kaddib guushii 13-ka gool ahayd ee ciyaartan, waxay gabdhuhu hal kulan ku dhaliyeen goolal ka badan dhamaanba goolashii ay xulka ragga Maraykanku ka dhaliyeen Koobka Adduunka tan iyo 2006-dii ilaa haatan oo la isku daray.

Hadalsame Media