AC Milan oo ka faa’iidaysanaysa xaaladda Lucas Torreira ee Arsenal

0

(London) 15 Juun 2019 – Laacibka khadka dhexe uga dheela Arsenal ee Lucas Torreira iyo xitaa gabadha ay isku cindan yihiin ayaa la sheegay inaysan ku faraxsanayn nolosha Ingiriiska, taasoo ay ka faa’iidaysan karto kooxda AC Milan.

Sida ku dhigan La Gazzetta dello Sport, saaxiibta laacibkan reer Uruguay waa reer Genoa waxayna jeclaan lahayd inay Talyaaniga kusoo noqoto, halkii ay ka joogi lahayd magaalada London.

Xaaladdaas ayaa ah mid soo jiidanaysa dareenka AC Milan, balse waa adag tahay in Gunners laga raarido inay iibiso laacibkan 23-jirka ah oo kooxdan Premier League xagaagii tegey uun kula biiray €30m oo euro.

Torreira ayaa dhowaantan warqaadka El Pais u qirtay inuu qabo inuu ku “fiicnaa Talyaaniga” isagoo sheegay in ay haystaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin xiriir xumo ka haysata dhanka luuqadda iyo cimilada oo xun.

Laacibkan ayaa waayihiisa ciyaareed in badan oo ka tirsan ku qaatay Talyaaniga, isagoo ka mid ahaa junyarka Pescara, wuxuuna haatan haystaa fursad uu dib ula midoobi karo macallinkiisii Sampdoria ee Marco Giampaolo oo kusoo biiraya kooxda Rossoneri.

Hadalsame Media