Waxay la ballansanayd saaxiibkeed, balse waxaa kufsaday boodhaalihii ay raacday!

0

(Rachuonyo East) 15 Juun 2019 – Nin wade ka ah boda boda oo ku nool Rachuonyo East oo ka tirsan ismaamulka Homa Bay County, Kenya ayaa ka badbaadey dil dadwayne, kaddib markii uu kufsaday gabar rakaab ah oo la socotey mootadiisa.

Falkan kufsiga ah ayaa ka dhacay tuulada Jwelu Village oo ka tirsan tabbeellaha Ramula Location habeenkii Arbacadii, iyadoo ay ninka eedaysan oo la yiraahdo Vincent Okoth, ay si xun u garaaceen boodhaleeyda kale oo ku qabtay Kadongo Trading Centre, iyagoo sheegay in dhaqanka Okoth uu uga sii darayo sumcaddoodii awalba liidatey.

Booliiska ayaa sheegay in boodhaleeydu ay Okoth oo dhuumanaya soo heleen, in yar uun kaddib markii uu falka gaystey, isagoo kufsaday gabadha oo usoo raacday si ay ugu tagto saaxiibkeed oo ay la ballansanayd.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan booliiska, Joshua Owiti, Okoth oo xilliga uu gabadha qaadayay ay ahayd wax yar uun kahor saqdii dhexe ayaa gabadha ula weecday guryo cidlo ah oo ku yaalla Jwelu Village, halkaasoo uu ku kufsaday gabadha oo kasoo raacday Narok.

bodaboda
Ninka ayaa kaddib markii uu falka gaystey mootadiisii ka cararay, kaddib markii ay gabadhu booliiska u dirsatay qayladhaan.

Ninka ayaa lasoo qabtay iyadoo lagu xirey saldhigga Othoro Police Station, halkaasoo uu baaritaan ku sugayo, sida uu sheegay ninka xukuma baaritaannada bariga Rachuonyo East, Charles Barasa.

Gabadha dhibbanaha ah ayaa deeto loo qaaday isbitaalka Homa Bay, halkaasoo lagu xaqiijiyay in la kufsaday.

Arrintan ayay tahay inay ka taxaddaraan dadka raaca mootooyinka noocan ah.

Hadalsame Media