DAAWO: ”Waxaad ka adag tahay masaakiinta!” – Maraykanka oo soo bandhigay cudud cireed la sheegay inuu ugu gooddinayo….

0

(Miramar, CA) 14 Juun 2019 – Ciidamada Badda ee Marine Corps ayaa soo bandhigay dhoolla tus ay ka qayb qaadanayaan dayuuradaha qumaatiga u kaca, gaar ahaan kuwa leh marawaxadaha janjeersama ee Osprey, kuwaasoo uu Ruushku sheegay inuu ugu falax gooddinayo dalalka aan awoodda cireed lahayn.

Tillaabadan oo ay ciidamada USMC ku tilmaameen “bandhig awoodeed,” oo dhanka cirka ah ayay sameeyeen ciidamada cirka ugu qaybsan kuwa badda ee Marine Aircraft Group 16 oo saldhigta Miramar, California.

Waxaa muuqaalka laga arki karaa daraasiin dayuuradaha MV-22B Osprey ee marawaxadaha janjeersama leh iyo 16 ah nooca CH-53E Super Stallion oo dhabbaha dayuuradda ku maraya wax lagu sheegay “socod maroodi” kahor inta aysan duulin.

Dayuuradda Super Stallion oo cusub ayaa lasoo bandhigay, iyadoo asal ahaan dayuuraddan oo la naqshadeeyay 1960-kii oo uu sameeyay Sikorsky loogu tala galay inay xambaarto qoryaha madaafiicda ah iyo baabuurta fudud.

Halka MV-22 oo ay dhistay Bell-Boeing, dhanka kale, loogu talagalay inay u degto ama u kacdo qaab joog ah, balse ay u duusho sida dayuuradaha caadiga ah.

Hadalsame Media