Shirkadda HUAWEI oo ku dhawaaqday tillaabo ay ka nexeen Maraykanku!!

0

(Beijing) 14 Juun 2019 – Camaaliqada tiknolojiyadda Shiinaha ee Huawei ayaa la sheegay inay durba bilowday qorshe ay ku samaysanayso Barnaamij Howleed (OS) ay iyadu leedahay oo la yiraahdo “Hongmeng” si ay u bedesho midka Google leeyahay ee Android, sida uu sheegay madaxwayne xigeenka shirkaddaasi ee arrimaha xiriirka dadwaynaha iyo warfaafinta, jaalle Andrew Williamson.

Huawei ayaa bishii tagtay waxaa liiska madoow ku dartay dowladda dhexe ee Maraykanka, gaar ahaan MW Donald Trump oo ku eedeeyay inay u basaasto dowladda Shiinaha.

Sidaa darteed, waxaa sharikaddan oo haatan ah midda caalamaka ugu wayn ee farsamaysa agabyada isgaarsiinta laga mamnuucay suuqyada Maraykanka iyo inay jaal la noqoto sharikaadka dalkaasi, taasoo keentay in Google, oo ay Android-kiisa adeegsato uu ka xirto.

Sida ku cad hay’adda xogta ugu qaybsan QM ee WIPO, waxay Huawei Technologies doonaysaa inay barnaamijkan ku bilowdo telefoonnada ay u iib gaynayso Yurub iyo 9 dal oo kale.

“Huawei waxay waddaa qorshe ay ku dhaqan gelinayso barnaamij cusub oo biddaal ah,” ayuu Williamson u sheegay Reuters.

Tillaabadan ayaa jab ku noqon doonta shirkadda Google, waxay sidoo kale cadaadis ba’an saari doontaa sharikadaha la tartamaya sida iPhone iyo Samsung, weliba tan hore oo ah sharikad Maraykan ah oo iminka ah midda qura ee leh Barnaamij Hawleed u gaar ah.

Hadalsame Media