DHEGEYSO: Waaxda Socdaalka Sweden oo sharci cusub soo wadda, dadka Sweden yimaada oo caafimaad darro la kulma & Guddoonka SD oo ka baaqday madal muhim ah oo uu ka khudbayn lahaa (Warar googoos ah)

0

(Stockholm) 14 Juun 2019 – Dawladda ayaa maanta u saartay guddi heer baarlamaan ah oo ka soo baaraan dega siyaasadda mustaqbalka ee socdaalka Sweden, iyadoo muddo sannad laga doonayo inay ku keenaan hindiseyaal saldhig u noqda xeer socon doona illaa iyo 20-ka bisha luulyo ee 2021.

Sidoo kale waxaa looga fadhiyaa iney ka soo jawaab celiyaan shuruucda deggenaansho oo ay tahay in la siiyo soo galootiga sida deganaansho ku meel gaar ah ama mid joogto ah, sida uu sheegay wasiirka shuruucda Sweden Morgan Johansson oo shuruudo hordhac ah sii sheegay

Dhanka kale, Ajaaniibta dalka yimaada sida qaxootiga iyo shaqa raadiska ayaa inta badan la aaminsan yahay inay ku jiraan xaalad liidata, gaar ahaan kolka ay dalka ku cusub yihiin, hase yeeshee baaris ay hadda soo bandhigtay hay’adda daryeelka bulshada ayay ku caddaatay in ajaaniibtu guud ahaan ka caafimaad wanaagsan yihiin marka loo barbar dhigo bulshada ay dalka ugu yimaadaan.

Nina Lindqvist, waa madax waaxeed ka howlgasha hay’adda caafimaadka bulshada ee folkhälsomyndigheten, oo ka hadlaysa in muddo kaddib uu xaalku is bedelo oo ay dadkan caafimaad darro soo wajahdo.

Dhanka kale, hoggaamiyaha Xisbiga Social Demokraterna ayaa joojiyay khudbad uu ka jeedin lahaa todobaadka siyaasadda Järvaveckan oo lagu qabto bannaanka Stockholm.

Mikael Eriksson oo u hadlay Jimmie Åkesson, ayaa sheegay inuu u baaqday arrimo qoys, waxaana booskiisa buuxin doonta oo khudbaynaysa guddoomiye xigeenka xisbiga SD oo ah Julia Kronlid.

 

Hadalsame Media