HESHIIS DHACAY: AC Milan oo soo qaadatay laacibka Rade Krunić (Daawo)

0

(Milano) 12 Juun 2019 – Kooxda AC Milan ayaa gacanta ku dhigtay laacibka hal abuurka leh ee kooxda Empoli khadka dhexe uga dheela ee Rade Krunic, kaasoo ay ku qaadatay €8m oo euro sida uu sheegay Madaxwaynaha kooxdaasi Fabrizio Corsi oo la hadlay Calciomercato.com.

Laacibka ayaa Milan u saxiixaya qandaraas 4 sanadood ah oo uu midkiiba ku qaadan doono €1.2m oo euro.

Krunic, oo u safta xulka Bosnia-Herzegovina ayaa lagu wadey inuu macallinkiisii Empoli ee Aurelio Andreazzoli u raaco kooxda Genoa taasoo ilaa bishii Jannaayo doonaysey. Waxaa kale oo raadinayay Watford, Torino iyp Eintracht Frankfurt.

Yeelkeede, AC Milan ayaa soo gashay hardanka 25-jirkan oo fasalkii tegey 5 gool dhaliyay, 6 kalena dhigay 33 kulan oo uu saftay horyaalka Serie A.

Laacibka ayaa dhaawac ku maqnaa kulamadii dambe, isagoo sidaa ku seegay halgankii ay kooxdu ugu jirtey inay baaqi kusii ahaato heera 1-aad, kaasoo hungoobey maalintii ugu dambeysey.

Hadalsame Media