DAAWO: Somalia oo ka qayb geleeysa Koobka Adduunka (Guruubka ay ku jirto)

0

(Perth) 12 Juun 2019 – Somalia ayaa ka qayb qaadanaysa Koobka Adduunka Minifootball ee WMF World Cup 2019, iyadoo horay dhowr tartan oo noocan ah uga qayb gashay kana mid ah dalalkii ugu horreeyay ee ciyaartan dhaqan geliya.

Tartankan oo ay ka qayb qaadanayaan 32 xul oo dunida oo idil ka socda ayaa 7-dii bishan Juun isku aadkiisa lagu sameeyay magaalada Perth ee dalka Australia oo ah halka uu tartanku ka dhici doono.

Tartanka oo bilaabmaya 1-da ilaa 11-ka bisha Oktoobar ee soo aaddan, sida uu sheegay Guddoonka xiriirka Somalia ciyaartan ugu qaybsan Dr Cabdulqaadir Maxamed (Caddaay), dalkeenna Somalia ayaa wuxuu galay guruubka E, oo ay ku wehliyaan dalalka Mexico, Ivory Coast iyo Moldova. Hoos ka dheeho isku aadka oo dhamaystiran.

GROUP A: Australia, Colombia, India, iyo Thailand
GROUP B: Hungary, Libya, England, iyo Saudi Arabia
GROUP C: Romania, Lebanon, Ukraine, iyo Nigeria
GROUP D: Senegal, Guatemala, Iraq, iyo Ghana
GROUP E: Mexico, Ivory Coast, Somalia, iyo Moldova
GROUP F: Tunisia, Slovakia, Japan, iyo Costa Rica
GROUP G: Czech Republic, Chile, Serbia iyo Singapore
GROUP H: Brazil, USA, Argentina, iyoSouth Africa

 

Hadalsame Media