”Eedda ugu wayn ee mucaaradku wuxuu ahaa AMAANKA Muqdisho”

0

(Hadalsame) 13 Juun 2019 – Amaanka magaalada muqdisho wuxuu ahaa eedaynta ugu culus ee dowladu lahayd , waxaana jiray dhaliilo badan aan kala joogsi lahayd oo ku socday dhanka dowlada

Walow ay jireen aragtiyo badan oo ka imaanayay shacabka iyo siyaasiyin hore oo ku aadanaa in weerararada muqdsho ay qayb masuul ka yihiin shaqsiyaad xil-doona

Si walba ha ahaatee waxaa hambalyo mudam sida ay dowladu wax uga badashay amaanka caasumada bilihii kasoo dhaafay

1. Waxay dowladu xakamaysay weeraradi magaalada ma dhici jiray , kadib markii ay dowladu bilowday howlgalo isdaba-jooga

2. Waxaa lasoo qabqabtay kuwaad boqolal ruux oo lagu tuhmay alshababnimo iyo Xarumo lagu diyaarin jiray qaraxyada

3. Waxay dowladu samaysay 911 telephone system oo shacabku ay dowlada kula xariiri karaan markii ay wax arkaan

4. Waxaa kasoo gabagabeeyay tirakoobkii ciidanka oo laga dhigay 16,000 oo askari , waxana hada socda howl-galintoodii

Waxaas oo ay dowladu samaysay wali ma aragteen cid ku amaanayaa ama guubaabinaysa isbadalka ?

Waa dhibaato inan wanaaga arki wayno oo aan kaliya aragto beenta iyo xumaanta ay wadaan shakhsiyaadka shisheeyaha u adeegaya.

Waxaa Qoray: Xuseen Jaamac

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media