DHEGEYSO: Maraykanka oo taageero ballaaran oo ciidan u ballan qaaday Somalia

0

(Muqdisho) 12 Juun 2019 – Dowladda Mareykanka ayaa sheegay inuu usoo jeestey dalka Somalia, isagoo tibaaxay inuu laba laabayo howgallada ay ka wadaan dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa hadalkan lagu sheegay ka dib markii shalay ay booqasho ku tageen Muqdisho taliyaha taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa, Gen. Thomas Waldhauser, iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Maraykanka ayaa amaanay DF Somalia oo uu sheegay inay samaysay woxoogaa horumar ah, wuxuuna sheegay in nabad ka islaaxda Soomaaliya ay u dan tahay guud ahaanba gobolka Geeska Afrika.

Maraykanka ayaa sheegay inay taageerayaan ciidamada Somalia ee SNA, isagoo amaanay ciidamadaasi oo uu sheegay inay dhowaan xoreeyeen degaanno ku yaalla Shabeellaha Hoose oo ay deeto saldhig wayn halkaa ka samaysteen.

Halkan hoose ka dhegeyso warbixin ay ka diyaarisay VOA.

Hadalsame Media