DEG DEG: Qarax meel la dhigay oo lagu qabtay Dhuusamareeb

0

(Dhuusamareeb) 12 Juun 2019 – Ciidamada amniga oo ku howlgalay xog sida la sheegay ka timid shacabka Dhuusamareeb ayaaqabta beer duleedka ka ah magaalada Dhuusamareeb.

Walxaha qarxa ee ay soo saareen ciidamada amaanka ayaa la sheegay in loo diyaariyey in uu adeegsado qof is miidaamin lahaa oo alaabta logu qariyey halkaasi.

Sida uu sheegayo weriyaha Hadalsame u fadhiya Dhuusamareeb Cabdinuur Caanageel, waxaa haatan soconaya baaritaanno ay bilaabeen ciidamada amaanka oo aad u baaraya agagaarka goobtan laga helay walxaha qarxa.

Waxaa sidoo kale soconaya tillaabooyin dabagal ah oo lagu sameeynayo ciddii arrintan ka dambaysey ee meesha dhigtay agabkan la qarxin karo.

Wixii kasoo kordha kala soco Hadalsame

Hadalsame Media