DHEGEYSO: Nin rafcaan ka qaatay xukun argagixiso oo go’aan lama filaan ah laga gaarey!

0

(Svea) 12 Juun 2019 – Nin 46-jir ah oo ay horay Maxkamadda degmadu ugu heshay dembi ahaa inuu qorshaynayay weerar argagixiso ayay haatan waxaa dembigaasi ka rafacdey maxkamadda rafcaanka ee degmada Svea. Ha yeeshee waxaa weli taagan eed la xiriirta maalgelin argagixiso oo ku qotonta in ninkan iyo 3 kale ay lacag u direen kooxda Daacish.

Bishii Diseembar ayaa ninkan lagu helay dembi ahaa inuu wax ka diyaarinayay weerar argagixiso, wuxuuna dacwad ooguhu kusoo eedeeyay inuu hayey 600 kg oo kiimiko ah iyo agab kale oo iskugu jirey maasgaraha gaaska laga xirto, baynaado iyo walxaha lagu dagaallamo, si uu dad kale u laayo.

Maxkamadda Rafcaanka Svea ayaa xukunka ninkan oo awal ahaa 7 sano, balse haatan kusoo koobmay 4 bilood u cuskatay inaan lagu haynin caddaymo ku filan oo muujinaya in waxyaabaha lagu qabtay loo adeegsan lahaa weerar argagixiso, waxaa sidoo kale la tuuray xukun hore oo ay Maxkamadda degmadu soo saartay oo ahaa in ninkan Sweden laga musaafuriyo marka uu xabsigiisa dhamaysto.

“Weli waa deg deg, balse xukunkani waa astaan cad oo muujinaysa in aan macmiilkaygu gelin dembi la xiriira diyaarinta weerar argagixiso,” ayuu yiri qarreenka difaacay ninka 46-jirka ah, Thomas Olsson.  Xigasho: Raadiyaha Sweden

Hadalsame Media