Cidda & danta ka dambeeysa dilalka qorshaysan ee ka dhaca Soomaaliya?

0

(Hadalsame) 11 Juun 2019 – Lixdii bilood ee Maxaakiimtii islamiyiintu xukumayeen Muqdisha lama diiwaan gelin hal qof oo mas’uul soomaliyeed ah oo lagu dilay Muqdisho waxaa se jiray wariye Martin Adler oo u geeriyooday rasaas hoosta looga xaluuliyay xilli uu sawiro ka qaadayey banaanbax looga soo horjeeday soo gelitaanka itoobiya ee dalka Soomaaliya iyo Haweeney SOORA aheyd oo mudo aad u fog ka shaqeyneysey isbitaalka Hooyada & Dhalaanka ee SOS.

Silsiladda Dilalka qorsheysan waa silsilad dheer oo waxay si fican u soo shaac baxday xiligii hogaamiye kooxeedyada oo si ba’an loo laayey saraakiishii hore ee ciidamadda oo intooda badan ahaa akademig akhlaaq wanaagsan leh, xiligaas lama fahmin marnaba cidda laynaysa saraakiishaas.

Waxaase loo maleeyey in Itoobiyaanka oo u go golxaarayay soo gelitaankooda dalka Soomaaliya ay sifeyn ugu dhaqaaqeen khubarada milateri ee Soomaaliya si aanay ula kulmin iska caabin ku salaysan khibrad iyo aqoon.

Waxaa taas ka danbeeyay xiligii ay Muqdisho gacanta u gashay Xabashida iyo huwantooda Soomaalida ahaa waxaana isla markiiba soo laabtay dilkii iyo khaarajiskii loo geysanayay dadka wax galka u ah bulshada, ilaa hada waxaa lagu jiraa xeyndaab ah qof ayaa la dilay qofkii dilayna lama yaqaanno ma sahlana in Soomaaliya laga baaro dad dambiyo galay xaaladda ka jirta awgeed.

Waxaase jira Soomaali ku xeel dheer barritaanka dilalka noocaan ah, dadka ugu badan ee shirqoolada lagu diley waxay ku noolaayeen Muqdisha, waxaan is leeyahey 30 sano ka badan Muqdisho maalin qoraxdu uma dhicin aan lagu dilin qof, fikrado kala duwan ayay Soomaalidu ku sheegaan dadka ka dambeeya dilalka noocan ah, balse waxaa hubaal ah in dilalkaasi yihiin kuwo indhaha looga ridayo umadda, cidda ka dambaysaana Soomaali ma aha haddii ay doonaan Soomaali ha adeegsadaane.

Waxaa Qoray: Mahad Shire

Hadalsame Media