Goormay dad iyo BAHAL, gacansaarka yeesheen? (Sheeko micne leh)

0

(Hadalsame) 11 Juun 2019 – Mas aad u halis ah oo dakanooyin badan aaba ayuu dusha ku soo qaatay isaga oo isu arka in uu wax cusub ku soo kordhiyay deegaanka oo mudan in lagu amaano balse Xaaji Deg Deg waxa uu hadda dareemayaa xaalad aan fiicneeyn markii uu laf ahaantiisu u baahday in laga badbaadiyo maskii uu soo xambaartay.

Dad badan oo uu masku horey u dhibaateeyay ayaa isu soo baxay iyaga oo raba in ay maska dilaan, yeelkeede, Xaaji Deg Deg waxa uu rabaa in la kala dajiyo isaga iyo maska oo isna diidan in uu soo dego markii uu dadkiisa dhax keenay.

Waa gar maxaa yeelay masku markii uu dhinac walba eegay waxaa ka hor yimid wejiyaal isaga aad ugu careeysan wuxuuna goostay in uu saxiibkiis ku daro dadkii uu horey ugu muday sunta miciyihiisa. “Mar hadaanan garaneyn waxaan kaga abaal gudo guushii ballaarneyd, galbiskaagii Guuleed inaan mici ku geliyoon waabaayo kugu gameey talo iiga go’antahay.”

Calaacal dheer kaddib waxaa lagu yiri “Xaajigii WAXAAD II SHEEGTAA HORTA SIDEENnABA GOORMAAN HESHIINNEY !! Talo ayaa ku Cadaatay Xaaji Deg Deg sida uu Abwaan Tarambi tix Suugaaneed ku muujiyay”

Waxaa galabta sheeko leh
Nacas nimadan Guuleed
Garku kaaga soo baxay
Goormeey dad iyo bahal
Gacan saarka yeesheen?
Guul darReeyste meel uu
Ku ganbado ma haystee
Gocoshuu maciinsaday

Waxaa sheekadan la ged ah oo loo soo ergaysan karaa in ninkii GUMAYSI garabsada uu maalin uun guran doono miraha godobta ah ee uu geyigiisa ku sal gooynayo, waayo gumaysigu waa nacab balse nacas maaha oo waa ogyahay in ninkii gaasiridda dadkiisa gacan ku siiyay aanu isagana u daahaynin.

Waxaa Qoray: Cilmi Cismaan Faarax (Boodhari)

Hadalsame Media