DAAWO: Ronaldo oo xalay sameeyay arrin ay ka xumaadeen kuna xifaaleeyeen taageerayaashu + Sawirro

0

(Lisbon) 10 Abriil 2019 – Taageerayaasha Portugal ayaa ku camirtay Cristiano Ronaldo kaddib markii uu weji qamuunyaysan ku qaabiley laacibka ay  Portugal u wada saftaan ee Bernardo Silva oo loo aqoonsaday laacibkii koobka Nations League.

Abaalmarintan ayaa timid kaddib markii ay kooxda Fernando Santos ay xalay ka badisay Holland oo la dheelasey dhamaadka UEFA Nations League.

Waxaa la arkayay Silva oo ay saaxiibadii u hambalyaynayaan, balse waxaa laacibka Manchester City il goonka ka eegayay Ronaldo oo u muuqdey mid isagu isla doonayay guusha Silva.

”Indhihiisa ilmo ayaa kusoo istaagtey!” ayuu qof soo qoray, mid kale ayaa yiri: ”Markan kaddib ismaba qarin karo!”.

Hadalsame Media