Ingiriiska oo saldhig wayn oo lagu diyaarinayo ciidamo si gaar ah u tababaran Somalia ka furay + Sawirro

0

(Baydhabo) 09 Juun 2019 – Britan ayaa si rasmi ah Baydhaba uga bilowday qayb muhim ah oo ka mid ah tababar ay siiinayso Ciidada Xoogga dalka ee SNA, xilli ay Somalia isu diyaarinayso inay AMISOM kala wareegto waajibaadka amaanka qarankeeda.

Safaaradda British-ku ku leeyahay Muqdisho ayaa sheegtay in ”tababarkan cusubi uu gacan ka gaysan doono abyidda ciidamo amaan oo ay Somalia leedahay oo u istaaga xasillooni muddo dheer waari karta oo ka hana qaadda Somalia.”

Saldhiggan ayaa laga furay magaalada Baydhaba oo ah caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo la doonayo in la dhidbo ciidamo leh awood ay kula tacaalaan amaanka dalka, iyadoo ay muhim tahay in la helo siyaasad middaa taageeraysa.

Beesha caalamka ayaa adduun badan ku bixisa ciidamada AMISOM, halka ay dad badani dareemayaan in aanu ilaa hadda jirin qorshe lagu maalgelinayo ciidamada Somalia ee SNA oo aan xitaa tababarkoodu midaysnayn oo uu dalba qayb meel ku tababaro, waloow eedda ay qayb badan ku leeyihiin dadka wax u go’aamiya Somalia.

Ciidamada AMISOM ayaa lagu wadaa inay qaab qorshaysan uga baxaan Somalia marka la gaaro bisha Oktoobar ee soo aaddan, halka askariga ugu dambeeya loogu tala galay inuu dalka ka boxo Diseembar 2020, iyagoo amaanka ku wareejinaya SNA.

Dalalka Turkiga, Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa iyaguna tababarro ka sameeya dalka.

Hadalsame Media