Gobolka Soomaalida oo laga helay gaas fara badan & saami fiican oo loo qoondeeyay (Xeer cusub oo la ansixiyey)

0

(Addis Abeba) 09 Juun 2019 – Baarlamanka dhexe ee Federaalka Itoobiya ayaa meel mariyay ama sharciyeeyay xeer qabyo ahaa oo loosoo gudbiyay, kaasoo khuseeya qaybsiga khayraadka dabiiciga ee dalka Itoobiya.

Sida uu sheegay hilinka ku hadla afka maamulka Gobolka Soomaaliyeed ee Itoobiya hoos taga, waxaa xeerkan cusub ku xusan in uu gobolku 50% ku yeelan doono khayraadka dabiiciga ah ee dhulkiisa laga soo saaro.

50% soo hartay waxay DF Itoobiya gaar u yeelanaysaa 25%, taasoo uu gobol kasta dhacdhac ku yeelan doono, halka 25% soo hartay loo qaybinayo degaannada kale ee Itoobiya.

Waxyaabaha ugu horreeya ee xeerka lagu dabiqi doono waa shidaalka dhowaan laga soo saaray Gobolka Soomaalida, kaasoo la bilaabay in la dhoofiyo isagoo qeeriin ah, balse sidoo kale la sifayn doono.

Warkan ayaa sidoo kale meesha ka saaraya warar horay usoo baxaya oo sheegayay in Gobolka Soomaalidu uu shidaalkiisa ku yeelan doono saami aad u yar oo ahaa 10-15%.

Sida ay sheegtay DF Itoobiya oo soo xiganaysa sharikad British ah oo la yiraahdo New Age African Global Energy Ltd, waxaa Gobolka Soomaalida laga helay gaas dabiici ah oo gaaraya 1.6 tarilyan oo cagood oo 3 jibbaaran (Cubic Feet).

Hadalsame Media