Dhaqdhaqaaq cusub oo u taagan xoreynta NFD oo xoogaysanaya (Taageero ay helayaan)

0

(Hadalsame) 09 Juun 2019 – Xisbi u taagan xoreeynta NFD ama in ugu yaraan uu gobolkaasi helo fursad uu aayihiisa kaga tashanayo ayaa laba-kaclayn ka sameeynaya dhanka baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka.

Xisbigan oo la yiraahdo Xisbiga Madax bannaanida NFD ayay warar aan la hubin oo hoose sheegayaan inuu doonayo inuu shir siyaasadeed iskugu keeno horseedka gobolka NFD, kuwaasoo ay ku jiraan siyaasiyiinta xilalka haatan ka haya Kenya, taasoo aan la ogayn sida ay ku dhici karto.

Ha yeeshee, waxay Twitter-ka kusoo qoreen inay taageero badan ka helayaan Soomaali ku kala firirsan gobolka NFD, Somalia iyo daafaha caalamka, kuwaasoo sida ay sheegeen ku taageeraya dhaqdhaqaaqa gobannimo doonka ah ee ay haatan soo nooleeyeen.

Soomaalida hoos tagta maamulka Kenya ayaa marar badan ka sheegta tacaddiyo uga yimaada dhanka Kenya oo ula dhaqanta sidii muwaadiniin gacan 2-aad ah, iyadoo ay marar badan dhacdo in iyaga lagu daro raafka Soomaalida kale ee ka timid Somalia ama meelo kale.

Dhaqdhaqaaqan cusub ayaa kusoo beegmaya jeer Kenya sheeganayso dhul-badeed Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay inay daneheeda u adeegsan doonto siyaasiyiin iyada u shaqeeya oo xilal kala duwan ka haya Somalia, sida madaxda maamul-goboleedyada, iyadoo ay dad badani Kenya uga digeen inay siyaasadda noocaas ihi iyada u darnaan doonto.

Hadalsame Media