GOOLWALE ILAA GAANNERI: Ciyaaryahan JABHAD isu rogey oo dhintay isagoo dagaallamaya!

0

(Xaama) 09 Juun 2019 – Goolwale Suuriyaan ah oo jabhad isu rogey oo kasoo muuqday dokumenteri abaal marin qaali ah ku guulaystey ayaa shalay u dhintay dhaawac kasoo gaarey dagaal uu la galay ciidamada dowladda Suuriya oo ka dhacay woqooyi galbeed Suuriya.

Abdel-Basset al-Sarout, 27 jir, ayaa goolwale u ahaa koox ka dhisnayd magaalada Xomis isagoo ahaa qabte aad u wanaagsan, isla markaana noqday ninka ku luuqeeya heesaha loogu jeclaa kacdoonkii dadwayne ee bilowday Maarso 2011.

Kaddib markii ay ciidamada dowladdu gacan adag ku qaabileen mudaaharaadyo silmi ahaa, wuxuu Cabdul Baasid ka mid noqday dadkii hubka qaatay, si ay ula dagaallamaan dolwadda Bashaar AL Asad.

Al-Sarout ayaa kasoo dhex muuqday dokumenteri ciwaan looga dhigay Kusoo noqodkii Xomis oo uu sameeyay Talal Derki, kaasoo looga qiseeynayay sida uu ninkani ku noqday dagaalyahan isagoo markii hore ahaa hoggaamiye mudaaharaad, waxaana abaal marin lagu siiyay Sundance Film Festival sanadkii 2014.

Koox la socota arrimaha xuquuqul insaanka oo halkaa ku sugan ayaa sheegtay in al-Sarout uu ku dhaawacmay dagaal qaraar oo woqooyiga miyiga Xaama ka dhacay oo soconayay habeenkii Khamiistii ilaa Jimcihii, wuxuuna u dagaallamayey jabhadda Jaish al-Izza, isagoo shalay dhaawacaasi u dhintay.

Hadalsame Media