Soomaalida oo la sheegay inay Sweden ka jecel yihiin Swedish-ka (Daraasad cusub & fasiraad qalloocan)

0

(Stockholm) 08 Juun 2019 – Daraasad cusub oo lagu sameeyay soo galootiga dalka Sweden ayaa lagu sheegay in Soomaalidu ay tahay mid ku faanta ”Sweden in ka badan Swedish-ka saxda ah”, iyagoo qiimaynaya nolosha heerka sare ah.

Soo galootiga badankood waa ku faanaan Sweden, iyagoo keenay tiro kaba badan midda ”dadka dhaladka ah” ee Swedish-ka ah, waxay sidoo kale aad u qiimeeyaan maalinta calanka ama qaranka dalka Sweden oo ku beegan 6-da Juun.

Daraasaddan oo ay samaysay World Values Survey (WVS), oo waraysatay 6,516 oo qof oo dibedaha kala kala yimid kuna nool Sweden, 53% ka mid ah ayaa sheegay inay ”ku dhaataan Sweden”, halka 57% ay sheegeen inay Sweden u arkaan ”sida waddankoodii”.

Waxaa daraasaddu la yaab ku sheegtay in qaxootiga kasoo dalaabay dalalka Somalia, Eritrea, iyo Afghanistan ay noqdeen kuwo Sweden ugu faanay in ka badan dadka Swedish-ka ah.

“Kuwa ugu sii darani waa haweenka Soomaalida ah iyo Eritrean-ka”, ayuu yiri Bi Puranen oo ka tirsan mac’hadka Institute for Future Studies, ahna xoghayaha guud ee World Values Survey oo u warramayey Svenska Dagbladet. “Dadka aan wax qori karin ama akhriyi karin ayaa badanaa Sweden hooy fiican u arka”, ayuu daba dhigay.

Puranen ayaa wadaniyaddan sare u kacday ku sheegay waxyaabo ay ka mid yihiin barnaamijyada isdhexgalka iyo la qabsiga Sweden oo kordhay iyo tayada nolosha Sweden oo ka wanaagsan dalalka ay dadkani ka yimaadeen.

Hadalsame Media