Mesut Özil oo aqalgalay & MW Erdoğan oo uu shaahid ka dhigtay + Sawirro (Arrin wanaagsan oo uu sameeyay)

0

(Istanbul) 07 Juun 2019 – Laacibkii hore ee xulka Jarmanka ee Mesut Özil ayaa maanta ku guursadey Istanbul isagoo shuhuud ka dhigtay MW Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Özil, 30 jir, oo asal Turkish ah, ayaa dood kiciyey sanadkii tegey markii uu isla soo sawiray MW Erdoğan, iyadoo ay dad badani gunuunuc ka keeneen wax ay ku sheegeen daacadnimadiisa dalka Jarmanka, waxaana isla sanadkaa laacibka lagu dhaliiley bandhiggiisii KA2018, taasoo keentay inuu xulka iskaga fariisto.

MW Turkiga ayaa kasoo qayb galay arooska laacibkan oo fiidkan lagu qabtay hoteel qaali ah oo ku yaalla daamaha Bosporus, halkaasoo uu laacibka Arsenal ku guursadey qalanjada Miss Turkey ee Amine Gülşe.

Erdoğan oo dhoolla caddaynaya iyo xaaskiisa Emine ayaa la arkayay iyagoo garab taagan lamaanaha cusub markii guurkooda la qaabaynayay.

Xafladda ayaa ka dhacday hoteelka Four Seasons, oo ah qasri qadiimi ah oo ay Cusmaaniyiintu lahaayeen oo la casriyeeyay, kaasoo dhinaca ku haya Marinka Bosporus Strait, oo kala qaybiya daamaha magaalada ugu dadka badan Turkiga ee Istanbul ee Yurub iyo Aasiya.

Özil ayaa sidoo kale taageerayaashiisa waydiistey inay u qaaraamaan sanaadiiqda caawiya carruurta faqriga ah, iyadoo ay lamaanaha cusubi lacag badan ugu deeqeen hay’adda Bisha Cas ee Turkiga (Kızılay), iyadoo lacagtaasi loo adeegsan doono in casho looga dhigo 15,000 oo ah qaxooti Syrian ah iyo Bayırbucak Turkmen oo kasoo qaxay woqooyiga Syria.

Hadalsame Media