DAAWO: Wiilkii Soomaaliga ahaa oo xabsi dheer lagu xukumay & laba-wejiilayn ku caddaatay cadaaladda Maraykanka

0

(Minneapolis) 07 Juun 2019 – Kusoo biiristii ciidamada booliiska Minneapolis isagoo ah Soomaali-Maraykkankii ugu horreeyay ee ku biira aad baa loosoo dhoweeyay, waxaana xitaa kasoo qayb galay duqa magaalada, iyadoo loo sawirayey tillaabo loo qaaday dhanka isdhexgalka bulshooyinka kala duwan iyo dhisitaanka kalsooni dhexmarta dadka magaalada iyo soo galootiga cusub.

Yeelkeede, maanta waa Mr. Noor, oo aan haatan darajo booliis ku magacownayn isla markaana ah dilaa dembigu ku cadaaday, waxaa lagu xukumay 12 sano iyo bar xabsi ah oo uu ku qaadanayo jeel ku yaalla Minnesota iyadoo loo haysto dilkii Justine Ruszczyk, oo ahayd gabar aan hubaysnayn oo uu toogtey 2017 xilli uu roondaynayay.

Kalsooni dhisid ha joogtee waxay arrintani muujisey sida kala geddisan ee loola kala dhaqmo dadka kala duwan ee Maraykanka, iyadoo waloow aan dembigiisa la dafiraynin ay dad badan oo Maxkamadda ka ololeeynayay ay qabaan in aanu caadi ahayn xilliga dheer ee lagu xukumay, iyagoo ku doodaya in haddii uu caddaan ahaan lahaa uu xaalku si kale ku dhamaan lahaa.

“Tani waa kiis u gaar ah madowga Muslimiinta ah. Halkan cadaaladi kama dhicin,” ayuu yiri Ahmednur Abdirahman, 36 jir, kaasoo ka mid ahaa dad ku dibed baxayay Maxkamadda bannaankeeda.

Waloow ay naadir tahay in la maxkamadeeyo askari waajib ku jira — misna Mr. Noor waa askarigii ugu horreeyay ee reer Minnesota ah oo dembi noocan ah lagu qaado muddo tobannaan sano ka badan.

Hadalsame Media