HUBAAL: Eden Hazard oo ku biiraya kooxda Real Madrid (Goorta lasoo bandhigayo)

0

(London) 07 Juun 2019Real Madrid ayaa xaqiijisay in ay qaadatay laacibka Eden Hazard oo ay adeeggiisa ka bixisay £130milyan oo gini, iyadoo si rasmi ah loosoo bandhigi doono Khamiista kaddib marka uu caafimaadka maro.

Chelsea ayaa laftiisu heshiiskan uga marqaati kacday maqaawiirta reer Madrid, iyadoo sheegtay inay khidmaddii ka heshiiyeen kooxda Spanish-ka ah.

Macallin Zinedine Zidane ayaa la sheegay inuu yahay ninka laacibka ka dhaadhiciyay inuu u wareego Santiago Bernabeu oo ah garoonkii riyadiisa.

Jookarkan 28-jirka ah ayaa la sheegay inuu qalinka ku aasay qandaraas qaali ah oo dheer oo uu Real todobaadkii kaga qaadanayo lacag dhan £400,000 todobaadkii.

Hadalsame Media