SIR CULUS: Imaaraatka oo Somalia u daadinaya DABIN halis ah (Dalalka & dadka uu adeegsanayo!)

0

(Nairobi) 07 Juun 2019 – Imaaraatka Carabta ayaa qorshe halis ku ah qarannimada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed dejiyay, kaasoo uu fulintiisa u adeegsanayo siyaasiyiin Soomaali ah, balse aan lahayn wax mabda’ qaran iyo turaal umadeed ah toona, sida ku dhigan warqaadka siraha faafiya ee African Intelligence.

Imaaraatka oo ujeedkiisa ugu dambeeya uu yahay in aan la helin nidaam Soomaaliyeed oo leh awood iyo dhaqaale ay iyaga kula hardamaan mustaqbalka ayaa ku dadaalaya inuu adeegsado kaarka ”QAYBI OO QALO!”.

Wuxuu askar lugeed ahaan u adeegsanayaa kaarar qabiil isagoo isu keenaya wax uu ku sheegay siyaasiin ku abtirsada beelaha Isaaq iyo Hawiye si ay uga hor tagaan wax lagu sheegay ”soo laba kaclaynta Daaroodka.”

Tillaabada 1-aad ee la qaadayo waa in la dumaa siyaasiyiin ah noocaas ah oo hal weji ku wajahaysa doorashada madaxtinnimada soo aaddan ee 2020 Somalia ka dhacaysa.

Waxaa soo jeedinta ka mid ah in magaalada Hargaysa loo adeegsado saldhigga la mariyo lacagaha lagu kala iibsanayo xil-dhibaannada iibka ah ee codkooda siiya qofkii cood siiya, waxaana kharashaadka deberaya dalalka Sucuudiga iyo Imaaraatka, iyadoo ay Kenya noqonayso rug 2-aad oo lacagahaasi sii mari doonaan.

Ninka markaa loo garto in loo naqshadeeyo qabashada xilka Madaxwaynaha oo ka imanaya qabiilka Hawiye, oo aan weli la isku raacin, ayaa deeto wuxuu Somaliland u ballan qaadayaa arrimahan soo socda:

1 – Inuu Xisbiga haatan xilka haya ee Kulmiye (Somaliland), siyaasad ahaan iyo diblomaasi ahaan kala shaqeeyo go’doominta iyo shaydaamaynta Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

2 – Madaxwaynahaasi wuxuu baabi’in doonaa dacwadda haatan taalla Maxkamadda ICJ oo uu dabcan xilligaa go’aankeedu soo baxay, xitaa haddii ay Somalia u xukmiso dhulka ay Kenya sheeganayso, isagoo xeer jajab iyo wada xaajood la furaya Kenya.

3 – Wuxuu madaxwaynahaasi mabda’iyan ogolaanayaa in la aqoonsado Somaliland, iyadoo sidoo kale Kenya laga doonayo inay aqoonsato Somaliland.

4 – Marka uu madaxwaynahaasi xilka la wareego wuxuu meesha ka saari doonaa Turkiga oo ah dalka qura ee haatan wax la wada Somalia iyo sidii ay dowladnimadeeda iyo midnimadeeda kusoo ceshan lahayd.

Waxaa maalin dhowayd Nairobi ka dhacay kulan qarsoodi ahaa balse ay dadwaynuhu ka war heleen oo dhexmaray Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Somalia Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Wasiir Gudeedka Somaliland, Maxamed Kaahir iyo hoggaamiyaha Xisbiga UCID Faysal C Waraabe, waana shir lagu sheegay mid qayb ka noqon kara qorshaha ay isla jeexeen Sucuudiga, Imaaraatka iyo Kenya.

MAXAY TANI MUUJINAYSAA?

Dalalka Sucuudiga & Imaaraatka oo tan iyo jiritaankii Jamhuuriyadda Somalia dibin-daabyo la daba joogey Somalia, balse isu sawiri jirey duul walaal ah oo ay naftu u dhexeeyso, balse horay Somalia ugu sameeyay nacab istaraatiji ah sida dagaalkii 77 ayaan marna doonaynin Somalia oo degta isla markaana soo saarata kana faa’iidaysata shidaalkeeda iyo khayraadkeeda.

Yeelkeede, eedda 1-aad waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, kuwaasoo kala taageeraya siyaasi kaliya ku tooran inuu qabrigooda qodo, kaasoo ah midka ay dalalkani u adeegsanayaan inay Somalia adduun iyo aakhiraba seejiyaan.

Ujeedka dalalka Khaliijku xitaa ma aha in ay Somaliland dal noqoto ee ay kaddib baraarto, balse waxay doonayaan inay dayac tiraan xaaladda Soomaalida u daran ee haatan taagan iyadoo adeegsanaya siyaasadda la yiraahdo ”maintain the status quo”, iyagoo ku gorgortamaya inay Somaliland wax la qabanayaan si ay Muqdisho u rakaateeyaan, laakiin run ahaan dooni maayaan inay wax muuqda taraan maamulka Hargaysa.

Tusaale ahaan, marka waxan oo idil la sameeynayo waxaa shacabka loo qaybinayaa mid lagu seexinayo in dal ahaan loo aqoonsanayo, mid loo sheegayo in Farmaajo laga qabanayo iyo Kenya lafteeda oo la isticmaalayo iyadoo loo tusayo inay danteedu ku jirto Somalia oo foowdo ah si ay woxooda si sahlan ugu qaadato.

Tifaftirka: Hadalsame Media