”Cid qaadan karta ma jirto ”dhulka Kenya” – Aadan Ducaale oo markale ku celiyay moowqifkiisii!

0

(Nairobi) 08 Juun 2019 – Hoggaanka Golaha Aqlabiyadda Qaranka, Aadan Ducaale ayaa shalay mar kale ka hadlay wax lagu sheegay muranka u dhexeeya Somalia iyo Kenya.

Ducaale ayaa ku dooday inuu wanaagsan yahay xiriirka labada dal, wuxuu sheegay inay weli shaqaynayaan danjirayaasha labada dal kala fadhiya, isla markaana ay Kenya ku sugan yihiin ururro, ganacsato iyo siyaasiyiin.

Xildhibaankan oo laga soo doorto magaalada Soomaaliyeed ee Gaarisa ayaa BBC u sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid muddo dheer soo jirey sida uu yiri, isla markaana ay laba dalba waajib ku tahay in diblomaasi ahaan loo xalliyo ”muranka xadka badda.”

“Waxaa jira wasiirro Soomaaliyeed oo Kenya ku nool; waxaa kale oo jira shacab Soomaaliyeed oo Kenya jooga oo aan cidna kadeedayn.” ayuu ku dooday.

Wuxuu markale ku celiyay war uu maalin dhowayd ku sheegayay in aan dal kale sheegan karin dhul ay Kenya leedahay sida uu yiri, isagoo sheegay in madaxda Soomaalida Kenya ay la safan yihiin dowladooda Kenya, isagoo MW Uhuru Kenyatta iyo MW Abdullahi Farmajo ugu baaqay inay arrintan ku xalliyaan si derisnimo iyo saaxiibtinnimo leh.

Kenya ayaa iskeed u abuurtay wax ay ku sheegayso muran kala dhexeeya Somalia, iyadoo 2009-kii Somalia ka saxiixatay in ay dhulkaa kula murmi karto, ilaa haatanna muujisay inaysan qaab sharci ah wax ku doonayn, sidaa darteed, warka Ducaale oo ah nin Soomaali ah ayay dad badani ku tilmaameen mid nasiib darro ah.

Hadalsame Media