Soomaalida Kenya haka AAMUSEEN muranka Somalia-Kenya laba sababood dartood!

0

(Nairobi) 08 Juun 2019 – Todobaad ka hor, hoggaanka Golaha Aqlabiyadda Qaranka, Aadan Ducaale oo BBC waraysi siinayay ayaa sheegayay in aan ”dal kale sheegan karin dhul ay Kenya leedahay” sida uu yiri, isagoo daba dhigay in madaxda Soomaalida Kenya ay la safan yihiin dowladooda Kenya.

Waxaa xigtey madaxda siyaasadda ee ismaamulka Gaarisa oo muujiyay moowqif midkaa la mid ah, iyagoo ku hadlay warkii dowladda Kenya ee dalbanayey in kiiska laga soo wareejiyo Maxkamadda ICJ.

Waxaa madaxdaa reer Gaarisa ah ka mid ahaa hoggaanka aqlabiyadda golaha degaanka Mohamed Gaabow, iyo xoghayaha guddiga nabadda Garissa Hassan Osman, kuwaasoo Somalia ugu baaqay inay kiiskeeda kala soo noqoto International Court of Justice oo ku taalla Hague oo ay gaysey 2014.

LABA SABABOOD DARTOOD SOOMAALIDA KENYA WAA INAY ARRINTAN UGU YARAAN KA AAMUSAN:

Marka lagasoo tago in Soomaalida Somalia kasoo qaxday ee Kenya soo degtey ay wax badan ku anfacday Soomaalida Kenya oo awal dadka ay ka nool yihiin ka go’doonsanaa, haatan se ganacsigii, waxbarashadii iyo siyaasaddiiba galay, waa inay Soomaalida shinsadaan ee aysan riixin, maadaama ay ku calaf yihiin iyagoo xeerinaya labadan qodob:

1 – Kenya dhulka ay sheeganayso waa dhul Soomaaliyeed, sidaa darteed, sida aanay reer Somalia uga suura gelin inay qof Kikuyu ah ku taageeraan inuu qaato qayb ka mid ah NFD ayay Soomaalida Kenya ku hoos nool khasab ku tahay in iyagoo Soomaali ah aanay taageerin dad u haliilaya dhicitaanka dhul Soomaaliyeed.

Waxaa intaa dheer, in Kenya aysan xaq iyo xeer ku taagnayn waxaa caddaynaya murankan oo ay bilowday 10 sano uun kahor, iyo diidmadeeda ku aaddan in XEERKA CAALAMIGA AH lagu kala boxo, sidaa darteed, in Ducaale lasoo istaago ”dhulka Kenya leedahay lama qaadan karo” waa mid siyaasadeed, balse aan sharci ahaan iyo anshax ahaanba sax ahayn.

2 – Soomaalida Kenya waloow ay Soomaalida Somalia u noqotay niyad dhisid oo ay haatan wax badan qabsadeen, misna waa inay dareemaan inay markasta yihiin ”wadanniyiin dabaqad 2-aad ah” oo aysan tirtiri karin in uu jiro qof isu arkayay inuu iyaga ”ka Kenyan-san yahay”, sidaa darteed, marleeyba cidna ra’yigooda waxba ku go’aamin mayso haddii ay hadlaan iyo haddii ay aamusaan intaba.

Waxaa markaa fiican inaysan noqon kuwo labada dhanba ka garaacan oo inta Soomaalida Somalia isku seejiyaan mas’alo siyaasadeed misna Kenyan-ku dhib iyo cadaadis ugu daraan, taasoo midda dhacaysa haddii ay is qabtaan Somalia iyo Kenya, sida uu sii qiray siyaasiga Faarax Macallin.

Haddaba, labadaa sababoodba Soomaalida Kenya maamusho waa inay gartaan meesha ay ka hadlayaan isla markaana ay iska ilaaliyaan qoowl walaalohood seejiya gudaha Kenyana aan waxba uga tari doonin.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media