”Dhabankani kii aan u dhigtayba maaha!” – Nin xaaskiisii iska FURAY markii uu ka dhaqmay naash naash ay marsatay!

0

(Mpumalanga) 08 Juun 2019 – Haweeneey ah reer Mpumalanga – South Africa ayuu ninkeedu furay isla todobaadkii aqal-galka kaddib markii uu arkay iyadoo naash naash la’aan ah, markii ugu horreeysey, sida uu sheegay nin saykolojiiste ahaa oo gabadha la taliyay.

Ninka oo 40-jir ahaa ayaa furay xaaskiisa oo 5 sano ka yar, kaddib markii uu ku dooday inaysan u qaab ekayn sidii ay ahayd markii ay naash naashka marsanayd, iyadoo adeegsatey waxyaabo ay ka mid yihiin baalal indhood bug ah, sida uu sheegay Dr Molapo, oo ah ninka nafsi ahaan ula taliyay gabadha la furay oo aad u niyad jabsan.

Warku wuxuu sheegayaa in ninku uu gabadha tamashle ugu kexeeyay gacanka Richards Bay si ay bisha malabka ugu qaataan, balse ay arrintani dhacday mar ay ku wada dabaasheen berked meesha ku taalla ee uu deeto soo baxay weji gebi ahaanba ka duwan midkii uu ninku u bartay, kaddib markii uu dhaqmay naash naashkii.

Wuxuu caruurku ku dooday in aanu aqoonsanba karin xaaskiisa oo ay Facebook iska barteen, isla markaana ay 3 bilood isu doonnaayeen.

Dr Molapo ayaa xaqiijiyay in ay gabadhu u sheegtay inay doonaysay inay ninkeeda runta taabsiiso mar uun, balse uu ninku miinka ka cuskaday inuu dib dambe ula sii noolaado haweenaydan oo uu markiiba iska furay.

Hadalsame Media