HA BOOQAN! Yaan la kabin dhaqaalaha Kenya inta ay kibirsan tahay!

0

(Hadalsame) 07 Juun 2019 – Mar kasta oo aan fasax ama shaqo u tagno dalka Kenya waxaan kabnaa dhaqaalaha dalkooda, taasoo lagu qiyaasay 500 milyan doollar inay bixiyaan dadka Soomaaliyeed sanad kasta ee ay fasax u tagaan dalkooda.

Maanta laga bilaabo anigoo ah muwaadin Somali Sheiknor Abucar Qassim, waxaan go’aansaday In dalka Kenya aan ku tagin shaqo ama fasax inta ay faragelinta ku hayaan madaxbanaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaan rajeeynayaa In walaalaha Soomaaliyeed ay go’aankaas oo kale ila qaataan oo aan helno dal kale oo aan ahayn Kenya.

“Waan baahanahay baqti looma cuno”

sawirkaan waa mar aan shaqo u tagay Kisumu, Kenya.

Wa bilaahi towfiiq.

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur  A qaasim

Hadalsame Media