Maraykanka oo samaynaya DAROON ka amar qaadanaya maskaxda qofka (Walaac ka taagan)

0

(Washington, DC) 06 Juun 2019 – Hay’adda Pentagon ayaa ku howllan dhisitaanka tiknolojiyad cusub oo qofka xiran mar aan fogayn siin doonta awood uu ku xukumo agabyo kala duwan isagoo aan far dhaqaajin, kaasoo loo samaynayo ciidamada Maraykanka, sida dayuuradaha is wada iyo wax u eg sida cayayaan balse agab la farsameeyay oo shaqooyin badan qaban doona.

Profeysar Jacob Robinson oo ka tirsan Jaamacadda Rice University, sidoo kalena daraasad xiriiriye ka ah mashruuca daraasadaynta gaashaandhigga ee Defense Advanced Research Projects Agency (DARPA), ayaa u sheegay warqaadka Express in uu meel wanaagsan marayo barnaamij lagu xiriirinayo maskaxda qofka iyo kombiyuutarka oo la yiraahdo brain-computer interface (BCI) kaasoo awood u leh inuu qofku xukumo raxan gaadiid ah oo aan cidna wadin, isagoo kaliya ka fikiraya falka uu rabo inuu sameeyo.

Tiknolojiyaddan ayaa meesha ka saaraysa kala go’naanta xiriirka “maskaxda iyo jirka” oo ay muddo u dhaxayso.

”Waxaa jira waqti u dhexeeyo fikirkayga iyo dhaqaaqa muruqa, balse marka aan hormarinno aaladdan waxaan helaynaa in ay maskaxdu la xiriirto dunida bannaanka iyadoo aan far la dhaqaajin, taasoo dedejinaysa isgaarsiinta.” ayuu yiri Robinson.

DARPA ayaa quud darraynaysa inay tijaabada farsamadan cusub bilowdo 4-ta sano ee soo aaddan. Hal caqabad oo hor taagani waa inay fasax ka helaan hay’adda cuntada iyo dawada heer federaal ee Food and Drug Administration (FDA).

Qofka ayaa waxaa madaxa loo gelinayaa koofiyad ka kooban nudayaal ku xiran dareen wadayaasha maskaxda, balse waxay sidoo kale doodi ka taagan tahay dhanka anshaxa iyo in agabkan si khaldan loo adeegsado.

“Waxa loo yaqaanno neural technology waxaa jira xeerar adag iyo hab-raacyo sugan oo la yiraahdo neural-ethical standards, waxaana ku dadaalaynaa inaan agabkan la adeegsi xumayn.” ayuu ku dooday Robinson.

Hadalsame Media

Facebook Comments