Magaalada Diridhabe oo ay dadkii abid ugu badnaa usoo bexeen Salaadda Ciidda + Sawirro

0

(Diridhabe) 05 Juun 2019 – Magaalada Diridhabe ayaa waxaa shalay ka dhacay isu soo bax ballaaran oo looga dabaaldegayay munaasabadda Ciidul Fidriga, kaasoo ay iskugu yimaadeen qaybaha kala geddisan ee shacabka ku dhaqan magaaladaasi oo meel barxad ah ku oogey Salaadda Ciidda.

Fagaarihii ay dadkana salaadda ku tukanayeen ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiinta Ismaamulka Diridhabe iyo qaar kamid ah Culimada waawayn ee magaalada Diridhabe, kuwaasoo madasha ka jeediyay khudbado khuseeya maalintan farxadda leh ee Ciidda Soon-fur.

Arrintan ayaa ah ifafaale cusub maaddaama aanay awal horay u dhici jirin inay Ciidaha iskugu soo baxaan umad intan la’eg, waxay kaloo ka tarjumaysaa inuu wanaagsan yahay amaanka magaaladu.

Magaaladan ayay maamulkeeda isku qabqabsadaan Soomaalida iyo Oromada.

Hadalsame Media