DAAWO: Ismaamulka Mandheera oo muujiyay inuu ku baraarugsan yahay arrin ay ka aamusan yihiin Soomaalida Kenya maamusho

0

(Mandheera) 05 Juun 2019 – Barasaabka ismaamulka Mandera County, Cali Ibraahim Roba ayaa furka ku xooran go’aankii ay dowladda dhexe ee Kenya ku xirtey xuduudda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka Beled Xaawo.

Md Roba ayaa sheegay in go’aanka lagu xirey xadkaas oo haatan laga joogo sanad iyo bar iyo uu saamayn xun ku yeeshay magaalada Mandheera oo la ganacsata Somalia, gaar ahaan magaalooyinka u dhow xad-beenaadka.

Wuxuu barasaabku sidoo kale dhaliilay waaxaha amaanka oo adeeci waayay amar kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Gaarisa.

Kenya ayaa sanadihii dambe riixaysey qorshe caga jiid ah oo la sheegay in lacagtiisii la musuqay, kaasoo xadka lagula wareejin lahaa silig, taasoo ay aad uga soo horjeesatey DF Somalia.

Gobolka Soomaalidu degto ee NFD oo dhanka Kenya looga yaqaanno Woqooyi Bari ayaan ilaa iminka wax moowqif ah oo cad ka yeelanin arrintan, iyadoo saamayn taban ku yeelanaysa moowqifka sida inay ka go’aan xoolohoodii u daaq tegi jirey Somalia iyo haddii ay dhibaato ijtimaaci ihi dhacdo oo ay u go’doomayaan Kenya oo looga tiro badan yahay.

Hadalsame Media