RASMI: UEFA oo hakisay go’aankii ka dhanka ahaa AC Milan (Sabab?!)

0

(Nyon) 05 Juun 2019 – Waxaa soo baxay go’aankii mudada laga sugayey dhanka UEFA kaasoo khuseeya jebinta Milan ee xeerka dhaqaale wanaagga FFP.

“Guddiga madaxa bannaan ee maamula hab socodka dhaqaale wanaagga ee CFCB wuxuu hakiyey go’aankii ka dhanka ahaa AC Milan, kaasoo khuseeya ku tacaddinta kooxdaasi xeerka FFP oo u baahan in la isu miisaamo kharasha iyo dakhliga gaar ahaan muddada la baaray oo u dhaxaysa 2016, 2017 iyo 2018.

Hakintan ayaa jiri doonta inta uu soo baxayo xukun laga sugayo Maxkamadda Isboortiga TAS.

Go’aankan ayaa ka dhigan inay Milan sii wadan karto hoowleheeda dhanka ka qaybgalka koobabka UEFA, waloow ay taasi isbedeli karto haddii uu go’aan lid ihi kasoo boxo Maxkamadda Isboortiga Yurub.

AC Milan ayaa la sheegay inay jeclayd inay sanadkan ka maqnaato koobka EL si ay sanadka dambe nadiif uga noqoto doodaha UEFA, balse weli sidaa ma dhicin.

Hadalsame Media