Isagu wuu badbaadi karay, balse hooyadiis ayuu holaca kaga tegi waayay! (Qiso murugo badan)

0

(Qaahira) 05 Juun 2019 – Magaalada Danda ee waqooyiga caasimadda Masar ee Qaahira waxaa ka dhacday qiso aad u xanuun badan, balse tilmaan u ahayd baarrinimada waalidka.

Dadka xaafaddaasi deggan ayaa ku baraarugay dab xooggan oo ka kacay dabaq ku yaalla waddada Maxamed Fariid, waxaana soo daahay kooxihii gurmadka deg degga ahaa maadaama xilligaasi uu ahaa xilligii afurka salaadda maqrib.

Shacabkii xaafadda ayaa u gurmaday dadkii dabaqaa degganaa si ay intii karaankooda ah u bad baadiyaan.

Sartaasi waxaa degganaa Haweeney da’ ah oo uu wehliyay wiilkeeda lagu magacaabi jiray Shariif Saqar (AUN) oo 22 jir ahaa, waxaana xilligaasi ay u fadhiyeen afurkii markaas oo uu dabku ka kacay koronto is taabatay.

Shariif oo dadka ay ku qaylinayeen uguna baaqayeen in uu daaqadda ka soo boodo, waxaana uu go’aansaday in uusan hooyadii ka cararin ee uu isku dayo in uu bad baadiyo, laakiin waxaa ILAAHAY qaddaray in uu labadoodiiba ay dabkaasi ku geeriyoodaan.

Waxaa Diyaariyay: Yaxye  Y Khasaaro

Hadalsame Media